Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo mooshin ka gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi

Xildhibaanno ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Guddoonka Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay xildhibaannadani u gudbiyeen mooshinka oo ay ku qoran yihiin eedaymo loo jeedinayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Xildhibaannada mooshinka gudbiyay ayaa wasiir Fiqi ku eedeeyay in uu curyaamiyay shaqadii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka islamarkaana shirkad gaar loo lee yahay siiyay qeyb kamid ah shaqadii wasaaradda.

Sidoo kale xildhibaannada mooshinka keenay ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka wasiirka arrimaha dibadda sida ku cad warqadda mooshinka loo gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST