Kooxda Xisbullah oo si rasmi ah u xaqiijiyay in la dilay Hoggaamiyahoodii Xasan Nasrallah

Kooxda Xisbullah ayaa maanta oo Sabti ah xaqiijisay in Hogaamiyehoodii Xassan Nasrallah la dilay, waxaana warkani xaqiijinta ah uu yimid ka dib markii militariga Israel uu sheegay ay Nasrallah ku dileen duqeyn ay ka fuilyeen Beirut.

Dhimashadiisa ayaa dhabarjab xun ku noqonaysa Xisbullah oo wajahaysa ololaha sii kordhaya ee weerarada kaga imanaya Israel. Waxa ay sidoo kale dhabarjab weyn ku tahay Iran, taasi oo dowrka weyn ku leh kooxaha ay taageerto ee loogu yeero kooxaha wax iska caabinta.

Hisbullah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israel “iyagoo garab siinaya Gaza iyo Falastiin, iyo difaaca Lubnaan iyo dadkeeda sharafta iyo karaamada leh”. Ma aysan sheegin sida loo dilay Nasrallah.

Warkani ayaa soo baxay saacado kadib markii Israa’iil rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hawlgalkii ay ku beegsadeen ku dileen hoggaamiyaha mileeshiyaadka Xisbullah , Xasan Nasrallah.

Sida ay sheegeen Ciidamada Difaaca ee Israa’iil hugaamiyiha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha.

Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqay weerarkii shalay ee koonfurta Beirut in ay ku dileen madaxii howlgelinta Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, Cali Karki iyo saraakiil kale.

PUNTLAND POST