Dowladda Israa’iil oo ku dhawaaqday in ay dishay hoggaamiyihii Xisbullah

Dowladda Israa’iil ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hawlgalkii ay ku beegsadeen ku dileen hoggaamiyaha mileeshiyaadka Xisbullah , Xasan Nasrallah.

Sida ay sheegeen Ciidamada Difaaca ee Israa’iil hugaamiyiha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha.

Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqay weerarkii shalay ee koonfurta Beirut in ay ku dileen madaxii howlgelinta Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, Cali Karki iyo saraakiil kale.

Ururka Xisbullah oo ah cidda u dambeysa ee laga sugayo ku dhawaaqista nolasha iyo geerida Nasrallah ilaa iyo hadda ma jiro weli war ka soo baxay.

PUNTLAND POST