Ciidamada Israa’iil oo duqayn xooggan ku beegsaday Hoggaamiyaha Kooxda Xisbullah

Millitariga Israa’iil ayaa sheegay in ay xalay madaafiic xiriir ahaa ku garaaceen xarumaha uu ururka Xisbullah ku leeyahay magaalada Beyrut, kuwaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyaha Xibullah Xasan Nasrallah.

Tan iyo markii ay duqeyntaasi dhacday markii u horeysay ilo wareedyo Iran iyo Lubnaan ah ayaa soo wariyay in uu go’ay xiriirka hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah oo ay Israa’iil sheegtay inay duqeyntaa oo aan horey uga dhicin dalka Lubnaan ku beegsatay.

Warbaahinta Israa’iil oo uu ku jiro raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa ku warramay in ay saraakiisha Israa’iil aaminsanyihiin in uu geeriyooday Nasrallah.

Ururka Xisbullah oo ah cidda u dambeysa ee laga sugayo ku dhawaaqista nolasha iyo geerida Nasrallah ilaa iyo hadda ma jiro wali war ka soo baxay, taasi oo shakiga siyaadisay.

Haddii ay dhacdo in uu duqeynta ku dhintay Nasrallah sidoo kale waxaa la dhintay labadii qof ee ka beddeli lahaa hoggaanka sare ee Xisbullah oo uu ku jiro , Cali Karaki, sida laga soo xigtay Israa’iil oo sheegtay goobtaa ay duqeysay inuu sarkaalkan iyo xubnaha sare ku sugnaayeen.

Weerarkaasi khasaare uma horseedayo kaliya Xisbullah, sidoo kale Iran ayaa khasaare weyn la kulmi karta, sababtoo ah Nasrallah waxaa la sheegay in ay la joogeen saraakiil sare oo ka tirsan Iran gaar ahaanna Ilaalada Kacaanka Iran.

PUNTLAND POST