Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ka wada-hadlay Mustaqbalka Xafiiska UNSOM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa Maanta Shir ku yeeshay magaalada New York halkaasi oo uu ka socdo kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa wada hadalkooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso inay la wareegto xubinnimada kursiga Golaha Ammaanka ee Q.M. 2025 – 2026.

Waxaa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen hawlgalka Qaramada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, oo Xoghayaha Guud uu soo dhaweeyay soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ku saabsan qorshaha mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobey iyo dhinaca kale qorshaha kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST