Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maraykanka oo shir ku yeeshay magaalada New York

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan Shir la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka, Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobey ee magaalada New York.

“Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

PUNTLAND POST