Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Suudaan oo Shir ku yeeshay magaalada New York

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xamse Barre uu New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood, iyagoo si gaar ah iskula soo qaaday xal u helidda colaadda ka taagan dalka Suudaan sida lagu sheegay Qoraalkaasi.

PUNTLAND POST