Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo xalay weeraray caasimadda Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa xilli danbe oo xalay ku weerarray Tel Aviv gantaal nooca ballistic-ga ah.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu weerarka socday ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 18 qof, sababo la xiriirta isbuurasho ka dhalatay seeriga digniinta ah ee la yeeriyay.

Waxaa sidoo kale la xiray muddadaasi garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo ah midka ugu weyn Israa’iil– oo ku yaalla meel u dhow Tel Aviv.

Kooxda Xuutiyiinta oo sheegay inay soo bandhigi doonaan warsaxaafadeed muhiim ah ayaan dhankooda wali bixin faahfaahinta weerarkan xaaladda deg deg ah geliyay Tel Aviv.

PUNTLAND POST