Booliska Puntland oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan burcaddii qabsaday markabkii MV Abdalla

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan burcad-badeeddii qabsaday markabkii MV Abdalla ee madax-furashada lagu sii daayay.

Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsa burcad-badeeddii qabsaday markabkii MV Abdalla ee madax-furashada lagu sii daayay.

Taliska ayaa sheegay in hawlgal ay aroornimadii hore ee saaka si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska iyo kuwa PMPF oo ka dhacay degmada Eyl ee gobolka Nugaal lagu soo qabtay eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle).

“Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey” ayaa lagu yiri Warbixinta Booliska Puntland.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 5 malyan oo doolar sida uu tilmaamay Booliska Puntland.

PUNTLAND POST