Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada iyo amniga gobolka Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Barre ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo amniga gobolka Geeska Afrika

“Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay sidoo kale ka wada-hadleen qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub.

PUNTLAND POST