Ruushka oo ku hanjabay in uu Reer Galbeedka u adeegsan doono Hubka Nukliyeerka

TOPSHOT – Russian President and presidential candidate Vladimir Putin meets with the media at his campaign headquarters in Moscow on March 18, 2024. (Photo by NATALIA KOLESNIKOVA / POOL / AFP) (Photo by NATALIA KOLESNIKOVA/POOL/AFP via Getty Images)

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka in Ruushku uu isticmaali doono hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah.

Vladimir Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagantahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday.

Hoggaamiye  Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka.

Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado Nukliyeerka.

PUNTLAND POST