Sida Puntland Wadahadallo Ula Yeelan Karto Dowladda Federaalka Soomaaliya

Waa in Puntland garteeda sii akhrisato si ay u garato murugsanaanta siyaasadda Soomaaliya

Waa in Madaxweyne Deni iska dhowro gefef siyaasadeed oo siin kara Dowladda Federaalka fursad ay Puntland kaga sii maqnaanto dadaallada dib u dhisidda Soomaaliya.

Garoowe (Faallo ) — Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku baaqay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu wadahadal la yeesho Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu soo jeediyay in Soomaalidu ka noqoto wadahaddalada dhexdhexaadiyayaal. Deni miyuu Diyaar u yahay in, tusaale Madaxweyne Laftagareen noqdo dhexdhexaadiye inkastoo uu  Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Garoowe dhexdeeda ugu baaqay Deni inuu oggolaado wax ka beddelista dastuurka federaalka.

Madaxwyne Deni wuu dhaxlay dhammaan heshiisyada ay Dowladda Federaalku ku shaqayso sida in maamulka Somaliland oo diiddan qarannimada Soomaaliya uu metelaad federaal yeesho oo si gaar ah wax loo siiyo (Special Arrangement). Markii ku meelgaarka laga baxayay 2012kii doodda maamulkui Faroole, oo ka bixista ku meelgaarka dedejiyay sidoo kalena kaaliin weyn ku lahaa dib u qorista dastuurka, waxay ahayd: dastuurka federaalka waxaa ku jira qodobbo u oggolaanaya Puntland inay sida heshiis gaar ah geli karto inta afti loo qaadayo dastuurka. Markii dowladda aan ku meelgaar ahayn la dhisay heshiisyada dowladda federaalku la saxiixatay shirkado shisheeye iyo dalal kale ayaa meesha ka saaray suurtaggalnimada in Puntland sidii ay doonto u fasiran karto dastuurka federaalka. Intaas waxaa dheer in Deni dhaxlay Puntland oo ka kooban 6 gobol (laba gobol buuxa iyo gobollo beelaha Puntland dhistay lala deggan yahay) hase ahaayee la saameyn iyo wax qeybsi ah maamulka Galmudug.

Madaxweyne Faroole wuxuu 2011kii  oggolaaday in Puntland ay shirarkii ka bixista ku meelgaar ah kaga qeybgasho hal maamul ahaan halka Koonfurta Mudug iyo Galgaduud shirarka kaga qeybgaleen magaca Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca. Wuxuu sidoo kale 2013 oggolaaday in Somaliland si gaar ah wax loo siiyo laakiin Puntland deeqda  horumarinta loo soo mariyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waa markii ay siyaasad degsan noqoto in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo codadka beelaha Dirta ku weyn yihiin, ay oggolaatay in Somaliland sida dal gaar ah loola dhaqmo inkastoo oo uu muran dhuleed kala dhexeeyo Puntland. Heshiiskii 2020kii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Jabuutu kula saxiixatay maamulka Somaliland waxaa ku jiray qodob isu socodka ah oo Muuse Biixi u adeegsaday barikicintii in ka badan 1700 qof oo Soomaali ah laga barakiciyaay Laascaanood 2021kii.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu jebiyay heshiiskii ciidammada Itoobiya lagaga saaray Soomaaliya 2009kii kaddib heshiiskii dhexmaray 2008dii Dowladdii Ku Meelgaarka (TFG) iyo Ururkii Dib U Xoreynta Soomaaliya ARS).

Madaxweynei Deni wuxuu sheegay in maamulka Somaliland la fogeeyay. Hadalkaasi wuxuu ka hor imanayaa mid ka mid ah mowqifyada Puntland oo sababay inuu go’ay xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland waxay aamminsan tahay in maamulka Somaliland oo diiddan qarannimada Soomaaliya uusan metelaad federaal ku yeelan karin Muqdisho. Heshiiskii Muuse Biixi la saxiixday Abiy Ahmed Janaayo 2024kii ayaa muujinaya saxnaanta doodda Puntland. Muxuu haddaba Deni ugu qareemayaa maamulka Somaliland oo duqeyn ba’an iyo barakicin ka geystay Laascaanood 2023kii? Deni wuxuu u eg yahay hoggaamiye siyaasadda Soomaaliya u arka muran labo qof dhexmaray una baahan in labadaas qof la heshiisiiyo.

Dhinaca kale siyaasadda maamulka Deni waxay sababtay in Puntland bannaanka ka taagan tahay dadaallada Soomaaliya lagu siinayo deeqo horumarineed. Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Dalalka Deeqbixyayaasha, iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka, ayaa faray Puntland inay soo gudbiso lacagaha ka soo gala shatiyada kalluumeysiga. U hoggaansami waaga heshiisiyada hore maamulladii hore ee Puntland ula galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Deni dhibaato weyn ku haya. Ma aha gar ay maamullo ama odayaal geli karaan. Waa heshiisyo qoran. Puntland marnaba ma muujinin inay doonayso in heshiisyadaas dib loo eego. Puntland ma helin deeqo oo ay USAID, UKAID iyo deeqbixiyayaal kale siiyeen Soomaaliya.

Dowladda Federaalku xadgudubyo badan ayay ku kacday sida wax ka beddelka qodobbo ka mid ah dastuurka wadatashi baahsan la’aan. Intaas waxaa dheer in Madaxweyne Xasan Sheekh uu jebiyay heshiiskii ciidammada Itoobiya lagaga saaray Soomaaliya 2009kii kaddib heshiiskii dhexmaray 2008dii Dowladdii Ku Meelgaarka (TFG) iyo Ururkii Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS). Sanadkii 2014 ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ciidanka Itoobiya si gaar ah ugu soo celiyay Soomaaliya, sidoo kalena sandkii 2023 ayuu maamulkiisu heshiis sir wadaagin iyo difaac la galay dowladda Itoobiya. Siyaasiyiinta Muqdisho awooda ku leh marnaba kama hadlin xadgudubyadaas uu Madaxweyne Xasan Sheekh u geystay qarannimada Soomaaliya.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa inuu ogaado sababaha ismaandhaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu yaraan waa inuu iska dhowro gefef siyaasadeed oo siin kara Dowladda Federaalka Soomaaliya fursad ay Puntland kaga sii maqnaanto dadaallada dib u dhisidda Soomaaliya. Waa in Puntland garteeda sii akhrisato si ay u garato murugsanaanta siyaasadda Soomaaliya. Talada aan la ruugin waa lagu rafaadaa, sida ay maahmaah Soomaaliyeed oranayso.

© Puntland Post, 2024