Gen. Asad Diyaano oo Todobaadkan loo magacaabayo Taliyaha Booliska Soomaaliya

Warbaahinta Puntland Post ayaa markii u horraysay ilo wareedyo sugan ka heshay in Todobaadkan Taliye cusub loo magacaabi doono Booliska Soomaaliya.

Xogtani lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaysa in Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya loo magacaabayo Gen. Asad Cismaan Diyaano kaasi oo beddelaya S/Guuto Sulub Axmed Firin oo hadda xilkaasi haya.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Khamiista Todobaadkan oo uu shir-guddoomin doono Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa sida xogtani caddaynayso lagu magacaabi doonaa Taliyaha cusub.

PUNTLAND POST