Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa soo dhawaysay Baaqii Madaxweyne Deni ee ahaa in uu diyaar u yahay Wada-hadal lagu xalliyo Khilaafka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaanu soo dhoweynaynaa Baaqii Madaxweyne Madaxweyne Deni ee Wadahadalka iyo Xalka Siyaasadeed ee Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Puntland,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA).
Dallada PUNSAA ayaa sidoo kale taageertay Soojeedinta Madaxweyne Siciid Deni ee ahayd in Madal Furan lagu wada-hadlo waxaana ay labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Puntland ugu baaqday in Bulshada Rayidka laga qeyb galiyo Madasha Wada-hadalka.
“PUNSAA waxay sidoo kale taageereysaa soo jeedinta Madaxweyne Deni ee ah in madal furan lagu wada hadlo, isla markaana waxay ka codsanayaan dowladda Federaalka iyo dowladda Puntland in wadaxaajoodyada masiiriga ah laga qayb geliyo bulshada rayidka ah, si daahfurana looga wada hadlo arrimaha taabanaya mustaqbalka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.”
Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya u soo jeedisay in ay Niyad-sami ku soo dhawayso Baaqa Puntland lana dardar geliyo bilowga Wada-hadal dhab ah oo dhexmara labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.