Puntland oo sheegtay in ay isu diyaarinayso guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay isu diyaarinayso guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Bari iyo Sanaag.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saaka booqday Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad ayaa saraakiisha faray in la isu diyaariyo guluf lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay Taliska 54-aad ayaa kooxaha argagixisada ah ku tilmaamay daanyeero buuraha saaran islamarkaana waxa uu sheegay in ciidamada Puntland uga daba-tagayaan buuraha.

“Ma jirto dhulkeenna meel cid aan Puntland ahayn xukunto marka laga reebo dhawr nin oo sida daanyeerada qarar saaran kuwaasina waxa uga daba-tagaya buuraha ciidamada Puntland” ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni.

PUNTLAND POST