Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Puntland ay wada-hadal diyaar ula tahay dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in Puntland ay diyaar u tahay in ay wada-hadal la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xalliyo Khilaafka labada dhinac.

“Puntland haddaan nahay waxaan rabnaa in aan qirno in aan Wada-hadal diyaar u nahay. Puntland waxay diyaar u tahay meel fagaare ah in lagu wada-hadlo oo aan qol qarsoodi ah ahayn, haddaan qaldanahay in nala qabto baan rabnaa, haddaan saxanahay-na in nala ayido” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay Maskax iyo maal ku bixinayso isku keenista dadka Soomaaliyeed, si khilaafaadka Soomaaliya xal waara loogu heli lahaa waxaana uu yiri “Puntland waxay diyaar u tahay isku keenista Soomaaliya in ay maskax iyo aqoon iyo dhaqaale-ba ku bixiso”.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkani ka sheegay kulan Casho ah oo uu xalay u sameeyay hay’adda PDRC iyo Marti sharaf isaga kala timi dalka iyo dibedda oo ka qeybgashay Shir ku saabsan nabadda oo lagu qabtay magaalada Garoowe.

Halkan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST