Maamulka SSC-khaatumo oo digniin adag u jeediyay dowladda Puntland

Qoraal kooban oo uu soo saaray xoghayaha Warfaafinta maamulka SSC-khaatumo Najiib Barkhadle ayuu si adag uga digay in dowladda Puntland ay sheegato degaanno ka tirsan SSC.

Najiib Barkhadle ayaa ku tilmaamay wax aan sinnaba loo aqbali karin islamarkaana xad-gudub cad iyo meel ka dhac ah in dowladda Puntland sheegato degaanno ka tirsan maamulka SSC-khaatumo.

“Waa wax aan sinaba loo aq bali karin, in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka maamulka SSC-Khaatumo qaar ka mid ah.”

“Waa xad-gudub iyo meel kadhac dawladda SSC-Khatumo ay uga digayso maamulka Puntland” ayuu yiri xoghayaha Warfaafinta Maamulka SSC-khaatumo Najiib Barkhadle.

Maamulka SSC-khaatumo ayaa Sidoo kale uga digay hay’adaha in ay qayb ka noqdaan sheegashada Puntland ee degaannada SSC “Sidoo kale waxaanu uga digaynaa, hay’adaha arrimahaas ka qayb qaadanaya” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

PUNTLAND POST