Wasaaradda degaanka Puntland oo joojisay ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha

Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland ayaa soo saartay go’aan looga joojinayo isticmaalka bacaha dhammaan degaannada Puntland.

Qoraal ka soo baxay wasaradda degaanka Puntland ayaa lagu go’aamiyay joojinta ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha ee dhammaan degaannada Puntland.

Qoraalka wasaaradda degaanka ayaa lagu caddeeyay laga bilaabo 22 bisha Sept. in laga joojiyay dhammaan-ba degaannada Puntland keenista, gadista iyo isticmaalka bacaha.

Go’aankani oo lagu socod-siiyay dhammaan shirkadaha ganacsiga Puntland ayaa lagu sheegay mid ku salaysan ilaalinta degaanka waxaana shirkadaha laga dalbaday in ay keenaan badiil kale oo aan dhib ku ahayn degaanka.

Halkaan ka akhriso go’aanka wasaaradda

PUNTLAND POST