Puntland oo war ka soo saartay xiisad dagaal oo laga dareemay magaalada Boosaaso

Xaaladda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka deggan kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xalay laga dareemay magaalada.

Ciidamada dowladda oo xalay la soo dhoobay inta badan jidadka iyo isgoysyada Boosaaso ayaa wer wer ku abuuray dadweynaha waxaana laga bara-kacay xaafadaha u dhaw xarunta PSF.

Balse qoraal ka soo baxay Taliska qeybta Booliska gobolka Bari ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan Boosaaso islamarkaana ciidamadu ku jiraan shaqadoodii caadiga ahayd ee sugidda Amniga.

Taliska qeybta Booliska gobolka Bari ayaa sidoo kale sheegay in aysan Boosaaso ka jirin wax ciidamo ah oo is horfadhiya waxaana ay ugu baaqeen shacabka magaalada Boosaso in ay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga.

“Ma jirto wax xiisad ah oo ka taagan  Magaalada Boosaaso, ciidanka Amniga ee kala duwani waxay ku jiraan shaqadoodii  caadiga ahayd ee sugidda Amniga sida Roondada iyo baaritaanka caadiga ah ee amaanka ku saabsan.”

“Taliska Ciidan Booliska Gobolka Bari, waxa uu idiin xaqijiinayaa  inaysan jirin wax ciidan ah oo wada Howl-gal gaar ah ama ciidamo is-horfidhiya” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Taliska qeybta Booliska gobolka Bari.

“Dadka faafinaya wararka been abuurka ah waa kuwa ku sifoobay baahinta warar aan xaqiiq ahayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka magaalada Boosaso inay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayuu sii raaciyay qoraalkaasi.

PUNTLAND POST