Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas.

Madaxweynaha Galmudug iyo safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo la-dagaallanka argagixisada iyo sidoo kale taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha.

“Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Galmudug.

PUNTLAND POST