Israa’iil oo saakay 150 weerar oo dhinaca Cirka ah ku qaaday dalka Lubnaan

Israa’iil ayaa tan iyo saakay 150 weerarro dhinaca cirka ah ka geysatay gudaha dalka Lubnaan.

Duqeymaha inta ay socdaan waxaa ka qeybqaatay inta badan diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee noocyada F-35s, F-16s, iyo F-15s, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Israa’iil oo sheegay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay gudaha Lubnaan ku leedahay Xisbullah.

Sidoo kale , Israa’iil waxay hab farriimo telefoonka ay ugu dirtay iyo cawitaanba ugu sheegtay dadka deggan koonfurta Lubnaan inay ka fogaadaan aaggaga ay ku badanyihiin Xisbullah ee saldhigyadooda hubka.

PUNTLAND POST