Dowladda Masar oo markab hub ah geysay magaalada Muqdisho

Markab xamuul oo Masar ay leedahay ayaa xirmaddii labaad oo hub ah geeyey Soomaaliya, sida laga soo xigtay saraakiil millitari oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Markabka xamuulka ah ee ka yimid Masar ayaa billaabay dejinta hubkaasi, oo ay ku jiraan qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka iyo hareeraha dekadda, iyadoo kolonyo baabuur ah ay hubka u qaadeen dhismaha wasaaradda gaashaandhigga iyo saldhigyo ciidan oo ku dhow, siday soo xigatay wakaaladda Reuters.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo horay u kala saxiixday heshiis iskaashi millitari midna weli si rasmi ah ugama hadal hubkani oo ah shixnaddii labaad, oo ay Masar gayso Soomaaliya bil gudaheed.

PUNTLAND POST