Ra’iisul Wasaare Xamse magaalada New York kaga qayb-galaya Kal-fadhigga Golaha Guud ee Qaramada Midoobey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobey kaga qaybgalaya Kal-fadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan Cidna laga tagin oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

PUNTLAND POST