Wefdi ka kooban golayaasha dowladda Puntland oo saaka safar ugu baxay Boosaaso

Wefdi ka kooban golayaasha dowladda Puntland ayaa saaka safar ugu baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wefdiga oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Puntland waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Maxamed Baarri Shire.

Xubnahan oo u badan mas’uuliyiinta ka soo jeeda gobolka Bari ayaa ku sii jeeda magaalada Boosaaso oo dhawaanahan ay ka taagnayd xiisad u dhexaysaa xukuumadda madaxweyne Deni iyo Ciidanka PSF.

Socdaalka wefdigani ayaa imaanaya xilli ay socoto waan-waan lagu xallinayo xiisadda labada dhinac islamarkaana la sheegay in meel wanaagsan ay marayso waan-waanta oo ay garwadeen ka yihiin guddi ka soo jeeda magaalada Qardho.

PUNTLAND POST