Maraykanka iyo Masar oo Isku Mowqif Ka Istaagay Ilaalinta Qarannimada Soomaaliya

Blinken iyo Badr waxay ku kulmeen Qaahira.

Muqdisho (Wararka PP) — Kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirka Arrimmaha dibedda ee Masar Badar Cabdellaati iyo Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayay kaga wada hadleen arrimmo ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Warsaxaafadeed kullankaas ku saabsan oo ay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Maraykanku soo saartay ayaa lagu xusay muhiimmada heshiis guntamaya oo ka dhowraya dalalka dhinaca hoose kaga yaalla Wabiga Niilka inay waxyeello ka soo gaarto biyoxireenka Itoobiya.  

Waxay kale oo labada Wasiir isku meel ka istaageen dhowrista qarannimada Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa dhowaan u soo diri doonta Soomaaliya ciidan ka mid noqon doona ciidanka nabad-ilaalinta ee ATMIS ku sugan Soomaaliya.

©  Puntland Post, 2024