Madaxweynaha Puntland oo sheegay in nabadda Soomaaliya ku imaan karto xal siyaasadeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay shir ku saabsan nabadda oo maanta Garoowe ka furmay ayaa sheegay in nabadda Soomaaliya ku imaan karto xal siyaasadeed.

“Nabad dhalinta Soomaaliya waxaa ku gedaaman in la helo xal siyaasadeed. Haddaan xal siyaasadeed la helin nabaddu mar walba way nuglaanaysaa cid baana si’ uga faa’idaysanaysa dano siyaasadeed” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in la ilaaliyo wixii Soomaali ku heshiisay si aysan mar kale u kala daadan dowladnimada dalka.

“Waxaan ugu baaqaya madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda kale ee Soomaaliya ee State-yada madaxda ka ah iyo cid kasta oo mas’uul ah in ay ilaaliso waxa dadku heshiiska ku yahay” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in nabadda Soomaaliya ka degi la’dahay fara-gelin siyaasadeed oo dibadda kaga imaanaysa waxaana uu ka digay in aan dalka lagu celin heer dib u heshiisiin sidii shirkii CARTA ee dalka Jabuuti lagu heshiisiyay Soomaalida.

PUNTLAND POST