Israa’iil oo duqayn ku dishay abbaan-duuliye sare oo ka tirsan Xisbullah

Israa’iil ayaa duqeyn ay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.

Duqeynta oo lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta Beyruut, ayaa lagu dilay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan.

Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah. Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsashada cadawga Isra’il si ay u difaacaan muwaadiniintooda.

Bayaan ay soo saartay Xisbullah ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay ayay yiraahdeen. Xisbullah ma aysan sheegin halka uu ku dhintay iyo sababaha dilkiisa.

PUNTLAND POST