Puntland: Duqii degmada Gaalkacyo Xasan Jidka oo saaka xilkii iska casilay

Duqa degmada Gaalkacyo Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Jidka) ayaa saaka si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay Xilkaasi.

Guddoomiye Xasan Jidka oo saaka kulan la qaatay bulshada degmada Gaalkacyo ayaa shaaciyay in uu gebi ahaanba iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha degaanka degmada Gaalkacyo.

Xasan Jidka oo hadal u jeediyay bulshadii uu saaka la kulmay ayaa hortooda ka sheegay in uu banneeyay xilka duqa degmada Gaalkacyo oo markii hore loogu doortay doorasho qof iyo cod.

Waxa uu sidoo kale cafis ka dalbaday cid kasta oo wax ka tabanaysay mudadii uu xilka hayay balse ma faahfaahin sababta keentay in uu is casilo.

PUNTLAND POST