Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Hubkii iyo Saanaddii ciidan ee Puntland ka soo iibsatay Itoobiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay shixnadda hubka iyo saannada dowladda Puntland ka soo iibsatay Itoobiya.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan u aragtaa mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.”

“Warbixinno la xaqiijiyey ayaa sheegaya in laba gaari oo hub-sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Tallaabadan ayaa keentay shaki weyn oo laga qabo sida ay Itoobiya ugu hoggaansameyso sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonidaradda Gobolka.”

“Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.”

“Soomaaliya waxa ay ka dalbaneysaa Itoobiya inay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkan sharci
darrada ah, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

PUNTLAND POST