Turkiga oo Soomaaliya ka samaysanaya Saldhig Dayax-gacmeed oo ay ku baxayso hal bilyan oo Dollar

Turkiga ayaa qorshaynaya in uu Soomaaliya ka hirgeliyo Saldhig Dayax-gacmeed oo uu ku sameeyo tijaabooyin ay kamid yihiin in uu ka gano gantaalladiisa ballistic-ga ah .

Dowladda turkiga ayaa dhismaha Saldhigan Dayax-gacmeedkaasi ka codsatay dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg.

Dhismaha saldhiga dayax gacmeedka ee Turkiga ka samaysnayo ayaa la sheegay in ay ku baxayso lacag dhan hal bilyan oo doolar

Madaxweyne erdogan oo ka hadlayay qorshaha turkigu hawada sare ugu  dirayo dayax-gacmeed laga ganayo Soomaaliya ayaa yiri ” Dayax gacmeed baaxad leh oo ka tarjumaya qaranimadeena ayaan u diri doonaa meeraha sare,taasoo ku imanaysa iskaashi caalami ah.”

Turkiga wuxuu doorbidayaa dhulka bannaan ee cirifka badweynta Hindiya ee ku dhow dhul-baraha oo mara Soomaaliya .

Halkaasi ayaa lagu sheegay aag istiraatiji ah, oo dal ay adagtahay in uu isku helo,Turkiga oo ka faa’iideysanaya iskaashigiisa Soomaaliya, wuxuu u soo rarayaa saldhiga Tijaabada gantaallada riddada dheer .

PUNTLAND POST