Puntland: Waxaan werwer ka qabnaa in dowladnimada Soomaaliya ku burburto gacanta Xasan Sheekh

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo safar ku maraya qaaradda Yurub ayaa xalay lagu soo dhaweeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor oo khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Gothenburg ayaa sheegay in uu werwer ka qabo in dowladnimada Soomaaliya ku burburto gacanta madaxweyne Xasan Sheekh.

“Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Xamar joogaa waa kooxdii ugu khatarta badnaa ee Soomaaliya siyaasadeeda soo gala waxaan werwer ka qabnaa in dowladnimadu gacantooda ku burburto” ayuu yiri Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in ay meesha ka saartay dastuurkii Soomaali heshiiska ku ahayd taasi oo uu ku tilmaamay mid aysan Puntland aqbali karin islamarkaana khatar ku ah midnimada dadka Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST