Dowladda Turkiga oo hannaan cusub u rogtay Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay hannaan cusub oo ay u wajahayso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu fashilmay wareeggii 3-aad ee wada-hadallada.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah.

Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, Fidan ayaa sheegay in Turkey ay sii waddo in Soomaaliya iyo Itoobiya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah.

“Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan.

Waxa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyada ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka aheyd wada-hadalladii Ankara.

PUNTLAND POST