Shirkadda Gold Apollo oo warbixin ka soo saartay aallada pagers ee ku qaraxday Xisbullah

Shirkadda Gold Apollo oo laga leeyahay Taiwan ayaa maanta sheegay in nidaamka isgaarsiinta Xisbullah ee pagers oo shalay la qarxiyay in aysan shirkadda si rasmi ah usoo saarin oo ay samaysay shirkad lagu magacaabo BAC oo shati u haysata inay isticmaasho astaanteeda.

Sida u sheegay aasaasaha iyo madaxweynaha shirkadda Gold Apollo, Hsu Ching-kuang, oo markii hore sheegay in ay shirkadda BAC ku taallo Yurub, wallow markii dambe uu ka laabtay inuu sheego halka ay shirkadan ku taallo.
Wuxuu intaa ku daray”Alaabtu annaga ma aanan soo saarin, waxay ahayd oo keliya inay lahayd astaantayada.”

Sida laga soo xigtay ilo sare oo ka tirsan amniga Lubnaan iyo ilo kale, walxaha qarxa ayaa la dhex geliyay aaladahaas oo ay samaysay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ka hor inta aan lagu wareejin ururka Xisbullah, taa oo ka dhalatay waqti isku dhow ku dhawaaqd 5,000 oo pagers in la qarxiyo.

Xisbullah illaa hadda ma soo bandhigin sharraxaad la xiriirta sida qalabkan ah ula soo wareegeen, balse waxaa dhab ah inay garanayaan cidda ay kala soo wareegeen, iyagoo sheegay inay ka jawaabayaan khasaaraha ay kala kulmeen nidaamkooda isgaarsiinta ee la qarxiyay.

PUNTLAND POST