Lix dhalinyaro ah oo lagu dilay masjid ku yaalla magaalada Wardheer ee gobolka Doollo

Wararka ka imaanaya magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa sheegaya in halkaasi lagu laayay dad rayid ah.

Masjid ku yaalla magaalada Wardheer ayaa xalay lagu laayay dhalinyaro xer ah oo masjidka wax ka baranayay kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay lix ruux sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Dil wadareedkaasi ayaa la rumaysan yahay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo ka dhashay colaad beeleed hore uga dhacday degmada Wardheer iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka Doollo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in aan weli gacanta lagu soo dhigin dableeydii falka geystay kuwaasi oo markiiba ka baxsaday goobta islamarkaana ay weli ku daba joogaan laamaha amniga dowlad degaanka Soomaalida DDS.

PUNTLAND POST