Iran oo yeelatay guddoomihii u horreeyay ee Sunni ah mudda ku siman 45 sano

Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa u magacaabay xubin ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Sunniga ah, inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Kurdistan, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda.

Arash Zerehtan ayaa loo magacaabay barasaabka gobolka galbeedka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Fatemeh Mohajerani.

Waa Sunnigii ugu horeeyay ee laga dhigo barasaabka gobol ka tirsan dalka ay Shiicadu u badan tahay tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.

Zerehtan, oo 48 jir ah, waxa uu soo noqday xildhibaan laga soo doorto magaalada Paveh intii u dhaxaysay 2020 ilaa sanadkan.

Sunniuyiinta ayaa ah boqolkiiba 10 dadka reer Iran, halkaas oo ay u badan yihiin Shiicada, Islamarkaana diinta Shiicada ay tahay diinta rasmiga ah ee dowladda.

PUNTLAND POST