Duullimaadyada garoonka diyaaradaha Boosaaso oo si caadi ah ku soo laabtay kadib digniintii PSF

Duullimaadyada garoonka diyaaradaha Boosaaso oo dhawaan jaah-wareer galay kadib digniin ka soo baxday Ciidamada PSF ayaa hadda caadi ku soo laabtay.

Diyaaradaha maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ah oo ay ku jiraan Daallo Airline iyo Ethiopian Airline ayaa dib u bilaabay duullimaadyadii ay ku imaan jireen garoonka diyaaradaha Boosaaso oo maalmo hakad galay kadib markii ay saamaysay digniintii PSF.

Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Boosaaso Cabdixamiid Yuusuf Muuse oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in ay hadda si caadi ah u socdaan duullimaadyada garoonka diyaaradaha Boosaaso.

“Garoonka xaaladdiisu waa daggan tahay waana shaqaynayaa sidiisi hore ayuu u shaqaynayaa wax culays ah ama wax dhib ahna hadda kama jiraan” ayuu yiri maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Boosaaso Cabdixamiid Yuusuf Muuse.

Taliska Ciidanka PSF ayaa dhawaan soo saaray digniin ku socota diyaaradaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah oo ay uga digeen isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso kadib markii ay sheegeen in garoonkaasi cid gaar ah u xiran yahay.

PUNTLAND POST