
Xiisad dagaal ayaa sida wararku sheegayaan saaka ka aloosan jiidda degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemaya nawaaxiga degaanka Gocondhaale ee jiidda Qorilugud ee gobolka Togdheer halkaasi oo uu shalay ka dhacay iska hor-imaad hubaysan.
Iska hor-imaadkaasi oo dhexmaray Ciidamada SSC-khaatumo iyo maleeshiyaad ka soo jeeda Qorilugud ayaa lagu soo warramaya in ay ku dhinteen laba ruux oo ka soo jeeda dhinaca Qorilugud.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkii shalay ay soo qaadeen maleeshiyaadka degaanka Qorilugud oo taageero ka helaya maamulka Somaliland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.