Wada-hadalkii Soomaaliya iyo Ethiopia ee Turkiga lagu ballansanaa maanta oo baaqday

Ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in uu gebi ahaanba baaqday wareeggii saddexaad ee Wada-hadalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo lagu waday in uu maanta ka furmo dalka Turkiga.

Weli si rasmi ah looma oga sababta baajisay wada-hadalkaasi uu Turkiga ku dhex-dhexaadinayay Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaase la rumaysan yahay in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan sheegay in Soomaaliya ay ka fikirayso in ay xiriir la sameyso ama ay taageerto jabhadaha dagaalka kula jira dowladda Ethiopia, hadalkaasi oo si weyn ay u cambaareysay Ethiopia.

PUNTLAND POST