
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa soo riday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ee MQ-9 Reaper, sida laga soo xigtay warbaahinta xiriirka la leh kooxdaasi.
Afhayeenka kooxda , Yaxye Sariic ayaa la filayaa in uu maanta soo bandhigo warsaxaafadeed la xiriira howlgalka ay diyaaradan ku soo rideen, xilli ay ka waday galbeedka Yemen howlgal basaas.
Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii November ee sannadkii hore waa diyaaraddii 10 aad ee ah nooca MQ-9 Reaper oo ay soo ridayaan Xuutiyiinta.
Mid kasta oo ka mid ah diyaaradan waxay joogta 32 milyan oo doollar, waxaana loo arkayay ka hor November, mid ka mid ah diyaaradaha ugu halista badan nooca aan duuliyaha lahayn ee awoodda badan u leh inay gantaallo culus xambaarto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.