Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horeysay ku timi Puntland.

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horreysay ku timi Puntland.

Kulankaasi ayaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda horumarin,  kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Kulanka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Daa’uud Bisinle, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac.

PUNTLAND POST