Dowladda Puntland oo ciidanka gaarka ah ee PSF ku eedaysay xiisadda ka taagan Boosaaso

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee u dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo ciidanka gaarka ah ee PSF ayaa sare ku kacday saacadihii u danbeeyay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon oo maanta jeediyay hadal kooban ayaa xaqiijiyay xiisadda iyo amni-xumada maalmahan ka jirta magaalada Boosaaso.

Guddoomiye Shaahdoon oo hadalkaasi ka jeediyay shir ku saabsan nabad-galyada Boosaaso ayaa xiisadda halkaasi ka jirta ku eedeeyay ciidanka gaarka ah ee PSF oo khilaaf kala dhexeeyo xukuumadda Deni.

“Nabad-galyo xumo ayaa ku soo korortay Boosaaso maalmahan waxaana soo kordhiyay ciidankii la oron jiray PSF oo dhinaca bari ka degan magaalada” ayuu yiri guddoomiye Shaahdoon.

Guddoomiyaha gobolka Bari ayas sidoo kale sheegay in aan la dugsan karin nabadgalyo xumo islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto ka hor intaan amnigu gacanta ka bixin.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST