Dowladda Puntland oo si rasmi ah u beenisay in uu xirmay garoonka diyaaradaha Boosaaso

Wasiirka Duulista Hawada Puntland Cabdullaahi Bile Nuur

Dowladda Puntland ayaa war rasmi ah ka soo saartay wararka ku saabsan in uu xirmay garoonka diyaaradaha Boosaaso kadib digniintii dhawaan ka soo baxday Ciidamada PSF.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa lagu sheegay in ay been abuur yihiin wararka laga faafiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso ee sheegaya in uu xirmay garoonka.

“Wasaradda Duulista Hawada iyo Garoomada waxay ku wargelinaysa shirkadaha ka hawl gala garoonka Boosaaso in Garoonku sidiisi hore u shaqaynayo, maantana ay ka dageen diyaarado ka yimi UAE , amnigiisuna suganyahay.”

“Sidaasi darteed, waxaan xaqiijinaya in amniga garoonka Boosaaso uu yahay mid sugan, diyaaradunaha khadkooda (route) iyo hawlahodi shaqo ay si caadi ah u si wataan, islamarkaana warar laga baahiyay garoonka ay yihiin kuwa been-abuur ah” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Wasaaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka go’an in ay xoojiso xiriirka wada shaqaynta ka dhexeysa shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah ah iyo kuwa maxalliga ee ka hawlgala garoonka boosaaso.

Halkan ka akhriso Qoraalka Wasaaradda

PUNTLAND POST