Doon badeecado ganacsi u siday Boosaaso oo xalay ku gubatay xeebaha dalka Cummaan

Wararka ka imaanaya xeebaha dalka Cummaan ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ku gubatay doonni u rarneyd ganacsato reer Puntland

Doonta oo lagu magacaabo BLUE STAR oo badeecado kala duwan u sidday dekedda magaalada Boosaaso ayaa xalay saq dhexe ku gubatay jasiirad ku taalla xeebaha dalka Cummaan.

Wararka ayaa tilmaamaya in doonta gubatay ay markii hore ka soo shiraacatay dekedda magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed halkaasi oo ay ka soo qaaday badeecadaha kala duwan.

PUNTLAND POST