Ciidamada Booliska Puntland oo qabtay gaari lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay

Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in ay degaanka Rabaable oo ka tirsan degmada Garoowe ku qabteen gaari lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen gaari nooca loo yaqaan DHAYNAHA oo lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay gaarigaasi.

“Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta gobolka Nugaal ayaa deegaanka Rabaable oo ka tirsan degmada Garowe ku qabtay Gaari nooca dhaynaha sooomaalidu u taqaan kaas lagu soo raray  Geed Quwaax iyo dadkii waday” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in dadkaasi ay xaalufin iyo nabaad guur ku hayaad dhirta islamarkaana maxkamad la horgayn doono si sharciga loo mariyo.

PUNTLAND POST