Maraykanka Ingiriiska iyo Canada oo adeeg sirdoon u aqoonsanaya warbaahinta dowladda Ruushka ee RT

Mareykanka , Ingiriiska iyo Canada ayaa doonaya in inay adeeg sirdoon u aqoonsadaan shabakadda warbaahinta dowladda Ruushka ee RT.

Saddexdaasi dal ayaa ku eedeeyay in kanaalkaasi uu u shaqeynayo hab uu ku aruurinayo macluumad , sida u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.

Maraykanka ayaa toddobaadkii hore dacwad ku soo oogay laba ka mid ah shaqaalaha RT , waxaanay ku soo rogeen cunaqabatayn tifaftiraha guud ee Margarita Simonyan.

Sababta waxay ku sheegeen in ay la xiriirto in uu abaabulay qorshe lagu shaqaaleysiiyay shirkad Maraykan ah si ay u soo saarto wax shabakaddo baraha bulshada ah si ay saamayn ugu yeeshaan doorashada Mareykanka ee November.

Blinken ayaa wariyayaasha u sheegay in hay’adaha warbaahinta Ruushku ay u shaqaynayaan sida cudud dhab ah oo ka tirsan sirdoonka Ruushka.

PUNTLAND POST