Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta oo Sabti ah si wadajir ah u furay shirweynaha dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug.
Shirka waxaa ka soo qayb galay Odeyaasha dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Dhallinyarada, Haweenka, Maamulka heer Gobol iyo degmo ee labada dhinac iyo mas’uuliyiinta labada gole ee Puntland iyo Galmudug.
Shirku intuu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku jirta guud ahaan Bulshada ku nool Gobolka Mudug.
Ugu danbayn waxaa shirka ka soo baxay war-murtiyeedkan hoos ku xusan;
1. Shirku wuxuu soo jeediyey in si bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka beelaha Dir iyo Shiikhaal islamarkaana dhakhso loo furo wada-hadaladii nabadaynta ee labada beelood.
2. Shirku wuxuu go’aamiyey in si deg deg ah dib loogu furo gogosha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Sacad iyo Leelkase.
3. Shirku wuxuu bogaadiyey dhammaan dedaalladii looga shaqaynayey nabadaynta Gobolka Mudug.
4. Shirku wuxuu garowsaday muhiimadda ay u leedahay nabaddu Horumarinta iyo wada noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug.
5. Shirku wuxuu soo jeedinayaa in ay Hay’adaha garsoorka ee labada maamul ka wada shaqeeyaan dhacdooyinka labada dhinac saameynaya.
6. Si loo xoojiyo nabadda iyo badqabka muwaadinka, Shirku wuxuu soo jeediyey in wixii maanta ka danbeeya qofkii qof dila la horgeeyo ha’yadaha garsoorka si caaddaladda loo mariyo.
7. Shirku wuxuu farayaa odayaasha dhaqanka ee Gobolka Mudug in ay mudo 120 casho ah ku xalliyaan dhammaan kiisaskii hore u taagnaa ee caqabadda ku ahaa nabadda.
8. Shirku wuxuu go’aamiyey in dib loo howlgeliyo lana tayeeyo Guddigii Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee ka shaqayn jirey nabadda Gobolka tiradoodana lagu soo koobo 30 xubnood, islamarkaana la dardargaliyo guddiyada kale ee Nabadda Gobolka Mudug.
9. Shirku wuxuu go’aamiyey in la tayeeyo lana dardageliyo howlgaladii dhanka amniga ee ay wadeen ciidamadii isku-dhafka ah ee Gobolka Mudug.
10. Shirku wuxuu go’aamiyey in si wadajir ah looga hor-tago dhammaan shaqaaqooyinka iyo ficilladda liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada ku nool Gobolka Mudug.
11. Shirku wuxuu u xilsaaray fullinta qodabada ka soo baxay shirka, Guddiga Amniga ee isku dhafka ah, Hay’adaha Amniga ee labada maamul iyo Guddigii Odayaasha dhaqanka labada dhinac ee ka shaqeeya nabadda Gobolka Mudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.