Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku sugan magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu joogay tan iyo markii uu ka soo laabtay safarkiisi dibadda.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in labada Madaxweyne ee Deni iyo Qoor Qoor ay saacadaha soo socda ku kulmi doonaan Gaalkacyo si ay uga wada-hadlaan arrimaha khuseeya labada dhinac.
Wararka ayaa intaasi ku daray in Kulanka Deni iyo Qoor Qoor lagu gorfayn doono iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Amniga iyo qodoba kale oo khuseeya danaha Puntland iyo Galmudug.
Qoorqoor oo mar kale u sharraxan madaxweynaha Galmudug ayaa la rumaysan yahay in uu taageero ka haysto dhinaca xukuumadda Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.