Khasaaraha dagaalkii saaka aroortii ka bilowday nawaaxiga degmada Towfiiq oo makhribkii istaagay

Dagaal beeleed culus oo saaka ka bilowday nawaaxiga degmada Towfiiq ee bariga gobolka Mudug ayaa makhribka joogsaday.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa sababay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh sida ay sheegayaan wararka laga helayo degaankaasi.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta halka in ka badan 30 kalena ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisu maanta ka dhacay halka lagu magacaabo Buq oo wax yar u jirta degmada Towfiiq ee bariga gobolka Mudug.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid isku dayday waan-waan nabadeed iyo xabbad-joojin in la kala dhex dhigo dhinacyada ku dagaallamaya nawaaxiga degaankaasi Towfiiq.

Marar hore ayaa la isku dayay in waan-waan nabadeed lagu xalliyo colaadda labada beelood oo soo noq-noqotay balse marna laguma guulaysan arrintaasi.

PUNTLAND POST