GAZA: Wararkii u danbeeyay ee Israa’iil oo duqaysay haween iyo carruur bara-kacayaal ah

Mas’uuliyiinta caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Israa’iil ku garaaceen qeybo kala duwan oo ka tirsan Gaza lagu dilay haween iyo carruur bara-kacayaal ah.

Duqeymahaasi ayaa lala beegsaday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobey oo ay ku nool yihiin dad barakac ah, iyo laba guri oo kale oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in lix ka mid ah dadka la dilay ay ka tirsanaayeen shaqaalaheeda.

Isbitaallada Cawda iyo Al Aqsa ayaa sheegay in iskuulka Al Jouwcaani ee Nuseyraat lagu dilay 14 qof oo ay ku jireen haweeneey iyo laba carruur ah. 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo iskuulka dhexdiisa ku diyaarinayay weerar sid aay sheegeen.

PUNTLAND POST