Afar carruur ah oo ku dhintay ceel ku yaalla degaan ka tirsan degmada Eyl

Wararka ka imaanaya degaan xeebeedka Gabbac oo qiyaastii 30 dhinaca bari ka xiga degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen afar carruur ah kadib markii uu ceel liqay.

Carruurta oo dhammaantood wiilal ah islamarkaana la waayay galabnimadii ayaa xalay meydadkooda laga helay ceel ku yaalla degaankaasi Gabbac sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoysaskooda.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dhammaantood ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay 10 oo kan ugu weyn uu ahaa da’da 7 sano jir.

PUNTLAND POST